Xildhibaannada Qaranka Oo Hal Shuruud Ku Xiray Xalaal Ahaanshaha Miisaaniyaddii Dhawaan Lagu Dhawaaqay, Haddaba Waa Maxay?

Kudladdii kamidka ahayd Baarlamaanka Soomaaliya ee ku dhawaaqay magaca Horusocod lagu daray xildhibaanno ka gadoodsan qaabkii Miisaaniyadda dawladda 2017 loo sameeyay ayaa u sheegay madaxda dalka in marka hore aqoonyahannada iyo shacabka la hor geeyo miisaaniyadda si la iskula eego sida ugu wanaagsan.

Qaar kamid ah xildhibaannada dawladda oo u badan maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa kasoo horjeestay qaabkii Miisaaniyadda loo soo bandhigay, iyagoona ku tilmaamay in ay tahay caddaalad darro maamullada Puntland iyo Jubbaland loo roonaaday.

Ugu Dambeyn Xildhibaannadaan ayaa ka codsaday dawladda haddii xalaal laga doonayo Miisaaniyadda sannadkan in laga dhigo mid shacabka loo geeyo sidoo kalena aqoonyahannadan ay korjoogto ka ahaato, si loogu kalsoonaado wixii ay iyaga go’aamiyaan.

Miisaaniyadda sannadka 2017 ee dhawaan lasoo saaray dood badan ka dhex dhalisay maamullada dalka, maadaama qaarkood loo badiyay halka kuwa kalena lacago hoose la siiyay.