Waa Maxay Sababta Loo Xayiray Akoonnadii Hey’adaha Hoos Imaada Maamulka Puntland? (Xog Iyo Kashifaad)

Jaamac Maxamed Cismaan oo ah hanti dhawraha guud ee maamulka Puntland ayaa xayiraad kusoo rogay dhammaan Akoonnadii hey’adaha maamulkaas.

Dhawaan ayeey ahayd markii xildhibaannada Puntland ay kala direen golihii wasiirrada ee uu magacaabay C/weli Maxamed Cali Gaas.

Ujeedka go’aanka hanti dhawraha ayaa imaanaya xilli laga baqayo in wasiirradii kalsoonida waayay ay lacago kala baxaan wasaarradihii ay maamullayyeen, balse Gaas ayaa xertiisa ku qancinaya in ay isku diyaariyaan markale in qaarkood ay soo muuqdaan.

Si kastaba ha ahaatee go’aanka Jaamac Maxamed Cismaan oo ah hanti dhawrka guud ee Puntland wuxuu u wanaagsan yahay maamulkaas. maadaama ay hubanti tahay in qaar kamid ah wasiirradaas ay lacago aysan sharci u heysan kala bixi lahaayeen Akoonnada wasaarradaha iyo hey’adaha kale ee maamulka Garoowe hoos yimaada.