Sidee Buu Kusoo Islaamay La Taliyihii Madaxwaynihii Mareykan-ka (Qoraal Cajiib Ah Oo Aad Ku Raaxeysanayso)

Magaciisu waa Dr Robert Dickson Crane waxaa uu ku dhashay Magaalada Cambridge Gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka Bishii March 26-kedii Sannadkii 1929-kii waxaana uu la taliye sare u ahaa Madaxweynihii hore ee Maraykanka oo la oran jiray Richard Nixon, sidoo kale waxa uu Maareeye ku xigeen dhanka qorshaynta ah ka ahaa golaha amniga qaranka ee Mareykanka ( Former Deputy Director “ For Planning “ of the united states national security council )

Dr Robert waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta waawayn ee dalka Mareykanka, waxa uu xeel dheere caan ah ku ahaa dhinacyada sharciga, siyaasadda iyo xiriirada caalamiga ah ; waxa uu ahaa aasaasihii xarunta horumarinta iyo cusboonaysiinta ilbaxnimada Mareykanka, waxaa uu in ka badan 10 Buug iyo 50 maqaal ka qoray isbarbardhigga nidaamyada sharciga, istaraatiijiyadda caalamiga ah iyo maamulka xogaha.

Sannadkii 1945-kii ayaa Dr Robert Dickson oo da’diisu ahayd 16 jir uu galay Jaamacadda Hardvard University si uu uga barto Luuqadda Ruushka, tallaabadana waxa ay noqotay tii koowaad ee uu u qaado dhanka barashada saxaafada oo uu jeclaa, guud ahaana waxa uu yaqaanaa oo ku hadlaa ( Lix Luuqadood ).

Sannadkii 1948-kii waxa uu noqday ninkii koowaad ee Mareykan ah ee loo ogolaado inuu wax ka dhigo Jaamacadaha Jarmalkii la qabsaday ( Occupied Germany ), waxana uu maadada Sociology of Religion ka dhigay Jaamacadda Munikh (University Of Munikh ).

Dr Robert waxa uu ahaa nin aad uga soo horjeeday mabda’a shuuciyadda ( Anti-Communist ), taasina waxay keeentay in lagu xiro mid ka mid ah jeelashii ruushka ( Joseph Stalin’s Gulag Archipelago ).

Dr Robert markii uu dib ugu soo laabtay Mareykanka waxa uu shahaadada B.A ka diyaariyay Northwestern University, Evanston, Illinois, sidoo kale waxa uu Sannadki 1956-kii ka qalin jabiyay aqoonta siyaasada, qorshaynta dhaqaalaha iyo barashada ruush nacaybka ( Political Science , Economic Planning and Sino- Soviet-Studies ), waxa kale oo uu shahaadada J.D ka diyaariyay Harvard Law School, Cambridge, sidoo kale Sannadkii 1959-kii waxa uu shahaadada MA ku diyaariyay isbarbardhigga nidaamyada sharciga iyo maal-gashiga caalamiga ah ( Comparative legal systems and international investment ); Ugu dambayntiina Dr Robert waxa uu jaamacadda Harvard ka aasaasay Wargeyska Caalamiga ah ee sharciga (Harvard International Law Journal).

Sannadkii 1962-kii waxa uu ka qayb qaatay aasaasidda xarunta cilmi-baarista istaraatiijiyada ee aduunka.
Sannadihii 1963-kii ilaa 1968-kii waxa uu ahaa la taliyaha ugu weyn ee Madaxweyne Richard Nixon dhanka siyaasadda arimaha dibadda iyadoo Sannadkii

1969-kii waxa uu madaxweyne Nixon u magaacabay maamule ku xigeenka golaha amniga ummadda ee aqalka cad .
1981-kii waxa loo magacaabay danjiraha dawladda Mareykanka u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta.

HADABA DR ROBERT SIDEE KUSOO ISLAAMAY ?

Intii uu ahaa maamule ku xigeenka golaha amniga ummadda ee Aqalka Cad ayaa waxaa loo xilsaaray inuu soo koobo warbixino ay soo uruuriyeen sirdoonka Mareykanka oo ku saabsanayd asal raacnimada muslimiinta iyo arrimaha islaamka guud ahaan, inskastoo warbixinnadan ( Report ) ay soo diyaarisay wakaaladda sirdoonka ee Mareykanku haddana raad wayn ayay kaga tagtay Dr Robert markii uu akhriyey ee uu soo koobaayay.

Sannadkii 1980-kii ayaa waxa uu ka qayb galay shirar iyo dood-cilmiyeedyo ku saabsanaa arrimaha islaamka, doodahaas waxaa uu la wadaagay qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha fikirka islaamiga ah, intaa waxaa dheerayd, Diktoorku waxa uu maalin maalmaha ka mid ah dhagaystay Sheekh muslim ah oo ka khudbadaynaaya kana hadlaaya islaamka iyo fahankiisa, maalintaas waxa uu arkay sheekhii oo tukanaaya isla markaana waxa uu aad ula yaabay sujuuddiisa iyo rukuucdiisa isaga oo u haystay yasid iyo is-dullayn ku saalaysan hoos u dhigidda meeqaamka qofka bini ‘aadamka ah, sidoo kale waxa uu Magaalada Dimishiq ee Carriga Suuriya kula kulmay Dr.Rooji Gaaruudi.

Ugu dambaynna, soo koobiddii warbixintii sirdoonka ee loo igmaday , dood – cilmiyeedyadii uu galay, khudbadii sheekha ee uu dhagaystay iyo kulankii uu la yeeshay Dr. Rooji Gaaruudi waxa ay keentay in uu Dr Robert ku qanco Diinta Islaamka islamarkaasna qalbigiisu u balaarto Nuurka Iimaanka, halkaas ayuu diktoorku kaga soo dhacay Jidkii Hanuunka Sannadkii 1980-kii, magaciisiina waxa uu u bedelay Dr. Faaruuq Cabdul Xaq.

Diktoorku mar lagu soo macsuumay shirweynihii 24-aad ee ururka islaamka ee Waqooyiga Mareykanka oo socday intii u dhaxaysay Bishii August 29-kedii Sannadkii 1986-kii ilaa Bishii Septembar 1-dedii Sannadkii 1986 waxa uu yiri sidan :
“ Way adagtahay in Reer Galbeedka la fahnsiiyo xaqiiqada islaamka sababtoo ah muslimiinta ku nool wadamada reer galbeedku intooda badan kuma dhaqmaan si fiicana uma dabbaqaan dhaqamada islaamka ”

Sidaa darteed waxa uu tilmaamay in reer galbeedku aanay fahan sax ah ka haysan islaamka iyo muslimiinta midna, muslimiinta ku noolna kama arkaan dhaqamadii islaamka ee wanaagsanaa badankooda.

Qaar ka mid ah buugaagta uu qoray Dr Robert :

Détente Cold War Strategies in Transition, Dulles and Crane, CSIS, Praeger, 1965
Planning the future of Saudi Arabia : A Model for Achieving National Priorities, Praeger, 1978
Shaping the future: Challenge and Response, Tapestry 1997
Meta-law : An islamic Policy Paradigm, 49 Pages
The Grand Strategyof Justice, 83 Pages
Kosovo and Chechnya: Products of the Past, Harbingers of the future, 32 Pages
The Role Of Religion in America, 24 Pages
The Muslim Challenge in America and The World, 35 Pages

Waxaa Qoray Cabdullahi Nuur Colombo Oo isna kasoo xigtay Buuga Caan Baxay ee Jidkii Hanuunka oo uu qorey Aadan Daahir Cabdulahi ” Aadan Cade”