Dawladda Farmaajo Oo Bahdil Iyo Baal-Siib Ku Bilawday Rog-caddaayaashii Warbaahinta Qaranka (Qabiil Miyaa Lagu Haystaa?, Haddaba Ogoow!)

Suxufiyiintii waaweyneyd ee u soo halgamay Warbaahinta Qaranka oo lagu bilaabay baal siib iyo Bahdilaad. iyadoo iminka ay xilalkii shalay lagula dul kufay iska casilan Madax waaxeedyo dhowr ah. sida Madaxii Soo saarayaasha oo loo magacaabay Maxamed Abuukar Ma’da oo horay u ahaa Tafaftirihii Tvga Qaranka in badana ku soo jiray warbaahinta. kuwa kalena laga yaabo iney saacadaha soo socda iska casilaan.

Qaladaadka qaanuuniga ah ee ku xusan wareegtada lagu magacaabay xilalka waxaa ka mid ah.
OG :- GUDIGA shaqaalaha Rayidka ah.

Iyadoo Xubna dhowr ah oo wareegtada lagu magacaabay aaney aheyn shaqaale rasmiya oo ka diiwaan gashan Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha. islamarkaana aaney ka tirsaneyn shaqaalaha Rayidka ah ee dowlada Federaalka Soomaaliya.
Arintaanina waa qeyb ka mid ah aqoon darada maamul ee ka jirta Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu dambeyntii waxaan u Hambalyey nayaa Asxaabta loo magacaabay xilalka waxaana leeyahay Guuleysta.

 Waxaa qoray Cabdul-Qaadir Faarax Dulyar.