War Deg Deg Ah:Dagaal Xoogan Oo Ka Socdo Gobalka Galgaduud

Wararka ka Imaanaya Deegaanka Xeraale ee Gobalka Galgaduud ayaa Sheegay in Dagaal Maanta uu Deegaankaasi ku Dhexmaray Maleeshiyaad kala Taabacsan Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Kuwaasi oo maalmihiin dambe ku muransanaa Gacan ku heynta deegaankaasi.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta  u sheegay inay ku War heleen Risaas Culus oo labada Dhinac ay is weydaarsanayaa ilaa hadana ma jirto Cid si Rasmi ah u Xaqiijisay Qasaaraha Dagaalka Xeeraale.

Mas’uulyiinta Maamulada Galmudug iyo Ahalusuna oo aan Xiriir la Sameynay nooma Suura galin inay Faah-faahin ka bixiyaan dagaalkaasi waxaasi jirtay Xiisada Maalmihii dambe ka jirtay Deegaankaasi.