WAR CUSUB Diyaaradda Somali Airlines Oo Dib U HowL-Galeyso

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa wareysi uu bixinayay, ku sheegay wasaaradda inay hadda ku howlan-tahay sidii ay mar kale dib usoo shaqo billaabi lahayd Shirkii duulimaadka ee ay Dawladdu lahayd “Somali Airlines”.

“Somali Airlines, soo celinteedda waxay ka mid-tahay wax-yaabaha ugu waa weyn, nooguna horreeya ahmiyada ugu weyna aan siineyno -maaddama hadda hawaddii soo wereejinteedda ay meel wanagsan noo marayso, waxaan u jeesaneynaa Somali Airlines iyo soo Celinteedda, Waxaan rajeyneyna inan soo celino Somali Airlines oo Adduunka la shaqeysa.”

Somali Airlines waxaa la aas aasay 5 bishii  March ee sannadkii 1964, Shirkadda ayaa waxa ay waqtigaas ka mid ahayd kuwii duulimadyada ee waqtiga ugu wanagsanaa, Laakin waxa ay Hawada ka baxdey markii Dawladdii dhexe ee Dalka ay Bur-burtay.