Sawirro:Kenya Oo Lacag Dul Dhigtay Rag Ay Sheegtay In Ay Alshabaab Ka Tirsanyihiin

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay intii karaankeeda ah isku dayeyso sidii ay kaga hortagi laheyd dagaalyahanada Xarakada Alshabaab oo iyagu dhawaanahaan weerara is xig xiga ku qaadeyey Gudaha dalkaasi gaar ahaan Gobalka Waqooyi Bari Kenya, iyagoo Lacago dul dhigay rag Kenyan ah oo ay kaga shakisanyihiin in ay gacan ka geestaan weerarada alshabaab ay ka geestaan dalkaasi.

Saraakiil u hadlay Booliska Dalkaasi ayaa warbaaihinta la wadaagay in ay 2 Milyan oo dollar ku awaalmarin doonan cidii warkooda Booliska usoo wariso shan nin oo ay sheegen in ay si gaar ah u bartilmaameedsanaayaan.

Booliska ayaa soo bandhigay sawiradda shantaa nin oo lagu kala magacaabo Abdikadir Mohamed aka Ikrima, Mohammed Tajir Ali, Suleiman Irungu Mwangi Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu.

Booliska ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in raggaani shanta ah ay markii cid ugu wardanbeeysay in ay ku sugnaayeen degaanka Lakta oo ku taal dhulka Keymaha ah ee Boni ee magaalo xeebeedka Lamu.

Dowladda Kenya ayaa horaan u shaacisay in waxa ay doonto haku qaadato ay ka hortagi doonto weerarada alshabaab ay ka geestaan deegaanada dhaca gobalka waqooyi bari Kenya.