Sawirro:Al-shabaab oo sooban dhigay Sarkaal iyo ilaaladiisa oo ka goostay dowladda

Xarakada Al-shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ku soo bandhigtay 4 Qof oo midi uu yahay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo saddex ilaalo ah oo uu watay.

Sarkaalkan aya alagu magacaabaa Yaasiin Faarax Fiilo,waxaana uu ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubaland,kaas oo AL-shabaab ay ku soo bandhigeen degmada Jilib.

Ninkan oo la hadlay Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in uu u adkeysan waayay dhibka ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku hayaan shacabka Soomaaliyeed sidaas darteedna ay ku qasabtay in uu ka baxo dowladda kuna biiro Al-shabaab.

Sarkaalkan iyo Ciidamada uu wato ayaa la sheegayaa in dhowr maalmood ka hor ay ka baxeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose sidoo kalena xarun ku meel gaar ah u ah Maamulka Jubbaland.

Al-shabaab iyo maamullada ka jira Soomaaliya ee hoostaga Dolwadda ayaa dhowr jeer soo bandhigay Sraaakiil ay sheegayaan in dhinac kale ay ka goosteen kuna biireen dhankooda.