Safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Puntland oo baaqday Iyo Xog laga helaayo Sababta ka danbeeysa?

Safar uu madxaweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku tagi lahaa Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa baaqday kaddib markii ay sidaas codsatay madaxtooyada Puntland.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Garoowe ayaa horay loo  qorsheeyay in oo noqdo 25ka Bishan July,waxaase saameyn ku yeeshey isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Puntland.

Guddiga Maamulka Puntland uu u xil saaray soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ahaa xubno ka mid ah golihii wasiirrada Puntland oo lumiyay Kqlsoonida Baarlamaanka sidaasna xilkii looga qaaday.

Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa codsatay in safarka Madaxweyne Farmaajo dib loo dhigo ilaa ay siyaasadda Puntland ay ka sal dhiganeyso.

Ujeedada ugu weyn ee booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Puntland ahaa ah ka qeybgalka munaasibadda xuska sanad guurada 19aad ee markii la aas aasay Puntland ka soo wareegtay.