Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Maraykanka

Booliska  Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa xaqiijiyey dilka 3 ruux oo Soomaali ah kuwaas oo  si gaar gaar ah loo dilay.

wiilasha la dilay ayaa kala ahaa Abdulkadir Ali Yuusuf iyo Mohamed Ali Mohamed.

Waxaana dhalinyaradaasi Soomaaliyeed ahaayeen Arday wax ka barata Magaaladaasi Columbus ee Gobolka Ohio.

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa qoraal ay Arbacadi shalay ku shaacisay barta ay ku leedahay Facebook ku sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis a aan loo beegsan Karin islamarkaana aan loo aaneyn karin dil uu geystay wiil soomaali ah oo ka tirsan booliska Maraykanka.

Booliska ayaa wada  baaritaan waxaana  jiro tuhuno ah in dilka lala xariirinayo dil uu geystay Wiil soomali ah oo ka tirsan booliska Maraykanka.