Betsy Hodges:-“Soomaalida Laguma Eedeyn Karo Toogashadii Loo Geestay Justine Demond”

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa qoraal ay Arbacadi shalay ku shaacisay barta ay ku leedahay Facebook ku sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis aysan mas,uul ka aheyn dil la sheegay inuu uu askari Soomaali Mareykan ah uu Sabtidi u geystay haweeneey Cadaan ah oo aanan hubeysneyn.

Betsy ayaa sheegtay in Qoomiyadda Soomaali Mreykanka ah aanan lagu eedeyn Karin in toogashadaasi ay iyagu ka dambeeyeen .

Maxamed Nuur waa Sarkaalka Soomaali Mareykanka ah ee Toogtay Justine Demond oo aheyd haweeney afartan jir ah oo Australian ah, waxa uuna toogtay dhowr mar oo is xigta xili ay ku sugneyd iridka hore ee gurigeeda iyada oo xiran dharka jiifka.

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa ku nuux nuuxsatay hormarka Soomaalida mareykanka ku nool ay ka sameeyeen dalkaasi iyada oo sheegtay in fal uu ku kacay askari qaldamay aanan loo saari Karin magaca soomaali mareykanka.