Yaa Ku Guuleeystay Abaal-Marintii BBC-Soomaali Ugu Tallagashay Dumarka Abwaannada Ah? (Daawo Gabar Uu Ilaahay Ugu Deeqay Aftahanimo)

BBC-da qaybteeda Afka Soomaaliga ayaa todobaadkan u dabaal dageysa 60-sano guuradii kasoo wareegatay markii dhidibbada loo taagay.

Dhanka Kale abaal marin ayeey ballanqaadeen in ay siin doonaan gabdhaha Murti-maalka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo ku tartamaya suugaanta Afka Hooyo, ugu dambeyn waxaa la guddoonsiiyay gabadh dhallinyaro ah oo deegaan ahaan Soomaaliland kasoo jeedo islamarkaana lagu magacaabo Deeqa Nuux, kaddib markii ay tirisay tixo gabay oo lala yaabo.
Haddaba Hoos ka daawo Muuqaalka Gabadhaas oo tirineysa gabaygii ay ugu guuleeysatay abaal marinta BBC-da qaybteeda Afka Soomaaliga.