“Xildhibaannimooy Xaal Qaado!”: FIIRSO Baarlamaanka Dalka Taiwan Oo Gacanta Isku Tagay ( Muuqaal Cajiib Ah)

Waa caado dhaqan iyo soo jireen ka noqotay adduunka wakhtiyadii ugu dambeysay in odayaasha qaranka ama Baarlamaanka hadba sidaad u taqaano ay is laayaan, gacanna isla gaareen, kaddib muran soo dhex gala.

Soomaaliya ayaa lagu xaman jiray dhaqanka noocaas ah,kaddib Turkiga ayeey ka dhacday in Baarlamaanka dalkaas uu gacanta isla tago, markanse Bariga fog iyo waddanka Taiwan halkaas oo ay beerka iskaga dheceen Baarlamaanka dalkaas oo la qayb noqday.
Feer iyo fara laab ayeey iskala daalleen, ugu dambeyn booliska yaa soo dhex galay oo xiisadda joojiyay.
Gacan ka hadalka ayaa bilaawday kaddib markii qayb xildhibaanada kamid ah ay kasoo horjeesteen go’aan qaybta kale ay soo jiidiyeen, taas ayaana keentay in gacanka hadalka uu dhaco.
Haddaba yaan hadal kugu daalininee ila daawo MUuqaalkaas.