Xildhibaan— Mooshin—Xildhibaan. W/Q: Proff. Yaxye Sheekh Caamir

Xildhibaan— Mooshin—Xildhibaan.

Xildhibaannad Hirshabeelle ,waxa ay mudan yihiin in moshin laga keeno ,yaa igu beeni kara?.

Xildhibaannada Maamul Gobaleedka Hirshabeele ku matalaya Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee heer Qaran oo fadhigoodu yahay magaalada Mogadishu iyo xildhibaanada Heer Maamul Gobaleed ee Fadhigoodu yahay magaalada Jowhar kuwaa oo wadarta tiradoodu ku dhawdahay 200 xildhibaan.

Ma ogyihiin in masuuliyada ugu weeyn oo ay u dhaarteen ay tahay badbaadinta dadka ay matalaan,masuuliyadaa oo xattaa hadeeyna xildhibaana ahaan laheeyn laga rabo in ay gutaan.
Waxaa dagaala ka socdaan isla deegaanka ay matalayaan ku dhawaad 20 ruux ayaa lagu dilay, tuulooyin ayaa lagu gubay.

Arrintaasi waxa ay ka dhecee meel haddii ay kuw Jowhar iyo kuwa xamar ay u dhaqaaqaan ay 2-3 saac ku tagayaan. Haddii islaaxaa ay sameeyaana ay Aduuna waajib ay guteen Aakharana ay ajir ka helayaan. Dadkiina waxa ay xasuusteen xildhibaanadoodii iyo masuuliyiintoodii geeriyootay iyaga oo ku calaacalaya hadeey noolaa lahaayeen Dr. Gabyoow iyo Xaji Koogaar.

Hadeeyna weli u dhaqaaqin,daminta colaadda dadkooda oo abaarina ay u sii dheertahay ,lagaba yaabee in qaarkood aynaba ogeeyn. Qaarkoodna ay ku mashquulsanyihiin in ay dad kale mooshin ka keenaan ,soow ma haboono in shacabka reer Hirshabeelle ay iyaguna Moshin ka keenaan xildhibaanadda xilkoodii gabay?

Qore: Proff: Yaxye Sheekh Caamir