Xildhibaan Kashifay Mooshinka Socda’ Kana Digay Khilaaf soo kala dhex gala Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay Khilaaf soo kala dhex gala  Golayaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

Arrintaan ayuu u sababeeyay in Xubnaha Golaha Shacabka la hadal haayo in ay mooshin ka diyaarinayaan xukuumadda halka dhinaca kale Aqalka sare ay difaacayaan Xukuumadda.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo ifbaxayay  warar la xiriira guux siyaasadeed oo ka dhex aloosan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ku aadan arrimaha Xukuumadda.

Guddoomiyayaasha Aqalka Hoose iyo  Aqalka Sare  ayaa isku khilaafsan  arrinta Xukuumadda sida Warbaahinta ay u soo wariyeen ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo.