WAR DEG DEG AH: Qarax Khasaaro geystay oo Sarkaal DFS ka tirsan Muqdisho lagula eegtay

Waxaa Goor dhow Qarax Miino oo Gaarigiisa loogu xiray uu ka dhacay ka  soo horjeedka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho Sarkaal Nabad Sugida ka tirsan oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Nuur Samatar Caanabooro.

Qaraxa  ayaa loogu xiray Sarkaalkaasi Gaarigiisa oo ah nuuca Surruf-ta loo yaqaanno.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Sarkaalkaasi uu ka soo gaaray Qaraxaasi  dhaawac fudud.

Al Shabaab ayaa horay u sheegtay Masuuliyadda Qaraxyo lala eegtay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya.