Rug Caddaayaal Saxaafadeed Oo Ka Soo Horjeestay Xeerka Saxaafadda Ee Dhawaan La Ansixiyay

Xilli dhawaan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay meel mariyeen Xeerka Saxaafadda Soomaaliya, islamarkaana ay ka soo horjeedaan Saxaafadda meel marinta Sharcigaasi oo ay Rugcadaayaasha Saxaafadeed  ku tilmaameen mid lagu Caburinayo Warbaahinta Madaxa banaan.

Aqooyahan Abshir Maxamed Aadan, Ahna Rugcadaa Saxaafadeed oo in Muda ah ku soo jiray Shaqada Warbaahinta ayaa sheegay in aan waaya araga Saxaafadda lagala tashan Sharciga Saxaafadda, islamarkaana carabka ku dhuftay in aan lagu tixgalin dadkii aqoonta iyo waaya aragnimada u lahaa Shaqada warbaahinta, hayeeshee uu sheegay lagu deg degay meel marinta xeerka Saxaafadda.

Waxaana uu ayaan darro ku tilmaamay in aan wax wada tashi ah lagala sameyn xeerkaan dadkii u soo halgamay Saxaafadda ee horumarkaan gaarsiiyay.

Sidookale Aqooyahan Abshir Maxamed Aadan waxaa uu sheegay in ay mudan tahay in la’is weydiiyo dadka qubarada ah ee lagala tashaday sharciga saxaafadda ee golaha wasiiradu meel mariyeen , iyadoo aan loo yeerin dadkii mudnaa in tala galin lagala sameeyo sharcigaan, oo ay saxaafadda madaxa banaan ka cabaneyso,

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ayaan darro ay tahay in Xeerka Saxaafadda aan wax wada tashi ah lagala sameyn dadkii qibradda iyo aqoonta ulahaa shaqada warbaahinta ee in muda ah ka soo shaqeynayay warbaahinta Soomaalida.

Hadalka Aqoonyahan Abshir Maxamed Aadan ayaa imaanaya, xilli Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Human rights Watch ay  sheegtay in lala deg-degay ansixinta Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.

Waxaana Hay’addu sheegtay in sharciga la meel-mariyay ay ku jiraan qodobo wax u dhimaya xuriyadda hadalka iyo xeerarka saxaafadda, taasoo hada cabasho ay ka yihiin Saxafadda madax banaan ee ka howlgala guud ahaan dalka.

Haddii Rugcadaayaasha saxaafeed ee aqoonta u leh shaqada warbaahinta aan lagala tashan sharciga saxaafadda, islamarkaana ay cabasho ay ka tahay warbaahainta madaxa banaan

Waxaa la isweydiinayaa Maxay tahay danaha ay Wasaaradda Warfaafinta ka leedahay meel marinta xeerkaan lagu deg degay, waxana arrimahaani ay caqabad ku noqon donaan hadii aan wax laga qaban shaqada warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya.

Qoraalkan waxa aan kasoo xiganay haddii aan nahay Bahda Shaaciye Idaacadda Maxaliga ah ee Shabeelle.