Ra’iisul Wasaaraha Australia Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Wiil Soomaali Ah, Haddaba Arrintan Halkee Bay Lug Ku Leedahay?

Ra’iisal wasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa ka codsaday dhiggiisa Mareykan ka in sharaxaad badan laga bixiyo dilkii uu geeystay sarkaalkii Soomaali-American-ka ahaa ee dilay haweeneydii u dhalatay dalka Australia, wuxuuna ku tilmaamay in ay ahayd wax xushmad darro ah in 40-jir aan wax galabsan la dilo.

Maxamed Nuur oo 2015-kii ku biiray ciidanka Booliiska Mareykan ka ayaa toogtay Justine Damound oo Australia kasoo jeedday, islamarkaana wakhti yar uun ku sugneyd waddanka Mareykan ka.

Waaxda baaritaannada  maamulka Washintong ayaan faahfaahin dheeri ah ka bixin qaabka uu dilka u dhacay, iyo waxa ay isku qabteen sarkaalka iyo haweeneyda.

Muuqaallo lasoo bandhigay ayaa muujinayay Justine oo dharka hurdada (Pjams) wadata iyo sarkaalka oo sii tooganayay, warka kasoo yeeray ra’iisul wasaare Turnbull wuxuu imaanaya xilli dhawr maalin ay kasoo wareegato dilka haweeneydaas Australia u dhalatay.