Qof Wata Calanka Soomaaliya Oo Carqaladeeyay Xalfad Ay Lahaayeen Qurba Joogta Soomaaliland Ee Dalka UK (Dagaal Iyo Buuq +Feer, Muuqaal Xiiso Badan)

Colaadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Soomaaliland maalinba maalinta ka dambeysa waji cusub iyo muuqaal kale ayeey yeelanaysaa, Maamulka Hargeysa ayaa shacabkiisa ku cadaadiya in aysan aadin magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaalida ayaa aaminsan in Soomaaliland ay tahay qayb kamid ah  Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee dhaqamada iyo waxyaabaha ay labada dhinac ku kacayaan marka aad si wanaagsan u eegto waxaa kuu soo baxaya in Walaaltinimadii iyo wada dhashigii uu sii dhimanayo, oo hoos loo sii fur furmayo.

Ujeedka qoraalkan wuxuu yahay gun dhig u yahay xasar ka dhalatay xalfad ay ku dhammaayeen jaalliyadda Soomaaliland ee dalka UK, kuwaas oo ka shirayay arrimo iyaga u gaar ah oo ay kamid tahay sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen doorashada dhawaan la filayo in ay guud ahaan dalka oo idil ka qabsoonto.

Dhammaan wixii wanaag ee kasocday xalfadda waxa ay burbureen markii qof kamid ah kasoo qayb galayaashii uu kor u haatiyay calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, kaddibna goobta waxaa is qabsaday muran iyo buuq ilaa xad keenay in ay isku dhacaan labadii kooxood.

Haweenay iyo rag ayaa isku dayay in ay la dagaalaan ninka wada wiifinayay calanka Soomaaliya iyo kan UK, ugu dambeyn waxaa laga dhaadhiciyay in uu goobta iskaga tago kaddibna wuu oggolaaday.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiriirka labada dad ay meel hoose ay sii mareyso; haddaba ila daawo muuqaalkan cajiibka ah.