Xilli dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya loo qeybiyay miisaaniyada sanadka 2017 ayaa waxaa miisaaniyadasi ka dhex muuqatay lacago fara badan oo kala sareeysa islamarkaana loo qoondeeyay maamul goboleedyada dalka ka jira .
Arintaasi ayaa waxaa ka hadlay wasiirka wasaarada warfaafinta maamul goboleedka Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan oo la hadlay Warbaahinta.
Wasiir Mahad ayaa sheegay in marka hore qorshe miisaaniyad marka la guda galayo laga eego dhinacyo badan si loo ogaado qaabka lookala baahi badan yahay .
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hirshabelle waxa uu sheegay in wasaaradda maaliyada ay ku dhaqaaqday cadaalad daro xoogan waxaana uu tilmaamay in maamul goboleedyo dakadahooda iyo elabooradooda ay shaqeenayaan lala meel dhigo kuwa intaasi oo dhan aysan u shaqeyneenin waxaana uu hoosta ka xariiqay in arintaasi ay ka xunyihiin islamarkaana qoondadaasi cadaalad daro ay ka muuqato qaabkii loo wajahay.
Warkaan kasoo yeeray wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamul goboleedka Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan baarlamaanka Soomaliya loo qeybiyay sharciga miisaaniyada 2017 waxaana haatan soo ifbaxaya tabashooyin ay muujinaya maamul goboleedyada qaar ee dalka ka jira kadib markii lacago aan isla sineen loo qoondeeyay maamul goboleedyada.