FIIRSO Mid Kamid Ah Wasiirrada Soomaaliland Oo Weerar Aan Loo Kala Harin Ku Qaaday Laanta Af-Soomaaliga Ee BBC-da Iyo Weriye Axmed Siciid Cige Oo Jawaab Lala Yaabo Siiyay!

Wasiirka warfaafinta maamulka Soomaaliland Cismaan C/lahi Saxardiid (Cadaani) ayaa weerar kulul ku qaaday laanta af Soomaaliga ee BBC-da.

Iyadoo BBC-du ku jirto todobaadkan dabaal daga 60-sano guurradii kasoo wareegatay markii dhidibbada loo aasay, ayuu wasiir Cadaani sheegay in aysan BBC-du ahayn warbaahin dhex dhexaad ah oo dhinac-na aan u jan jeerin.

Isagoo ka hadlayay munaasabaddaas ayuu sheegay Cadaani in ay warbaahinta u wanaagsan tahay in ay dhex dhexaad noqoto, islamarkaana ay muujiso berri ka ahaanshaha siyaasadaha isdiiddan ee jira.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dacwadda ay u gudbiyeen maamulka ugu sareeya BBC-da, aynna dhawaan filayaan jawaab cad, maadaama buu yiri ay meel kaga dhacday muqaddasnimada Soomaaliland.

“Waxa aan nahay jamhuurriyad dhisan 27-sano, sidoo kale kahor waxa aynnu ahayn Maxmiyad boqortooyada Ingiriiska hoostagta, BBC-da hadda jirta kama shaqeyso isku soo dhawaanshaha labada dhinac, Shan Soomaali ayeey afkooda kuhadashaa, balse hadda waxa ay muujisay in ay hal dhinac tahay,” ayuu wasiir Cadaani hadal kulul ugu yiri.

Sidoo kale weriyaha BBC-da magaalada Hargeysa Axmed Siciid Cige ayaa isna isla xalfaddaas ugu jawaabay wasiirka, wuxuuna sheegay in laga raali gelinayo dhammaan waxyaabaha uu ka tabanayo laanta afka Soomaaliga Ee BBC-da

Haddaba Hoos ka daawo muuqaalka weerarka wasiirka.