DEG DEG: Alshabaab Oo Madaafiic Ku Weeraray Saldhig Ay Leeyihiin Ciidanka AMISOM

Dhaq dhaqaaqa Alshabaab ayaa madaafiic ku garaacay Saldhigga ciidanka midawga Afrika Ee Jabbuuti ku leeyahay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Madaafiicdan ayaa geeystay khasaaro nafeed, lama oga inta ay la eg tahay, hasa yeeshee goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in ciidanka Jabbuuti ay dhanka magaalada Baladwayn ula kicitameen gaadiid ay saaran yihiin dhaawacyo si halkaas loogu soo daaweeyo.

Shabaab ayaa caadeystay beegsashada baraha ay ciidamada dawladda fadhiisimaha ka dhigtaan, gaar ahaan gobolka Hiiraan, waxaana weerarkaan uu kusoo aadayaa xilli hawl gallo shabaab lagu sifeynayo ay gobolkaas ka wadaan ciidamada Nabad sugidda AMISOM ee ka kooban Ethiopia iyo Jabbuuti.

Alshabaab Ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas madaafiicda loo adeegsaday, waxaana ay sheegeen in ay ahayd hawl gal lagu ugaarsanayay cadawga Alle, sida ay hadalka u dhigeen.