Ciidanka Yuhuudda oo dilay Imaamkii Masaajidka Al-Aqsa

Ciidamada Maamulka Yuhuudda ayaa dilay Imaamkii Masaajidka Barakeysan ee Al-Aqsa kaddib markii ay rasaas ku kala ceyriyeen dad badan oo ku dukunayay banaanka hore ee Masaajidka maaddaama ay Yuhuuddu diidday in gudaha Masaajidka lagu dukado.

Rasaas ay adeegsanayeen Ciidamada Israel ayaa waxaa ku dhaawacmay boqolaal qof oo uu ka mid ahaa Sheekh Cikrama Sabri oo ahaa Imaamkii Masaajidka Saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka.

Wasiirka Diinta Turkiga Mehmet Gormez,ayaa cambaareeyay falkan waxaana uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado,waxaa kale oo uu sidoo kale cambaareeyay falalka Israel ay kula dhaqmeyso Muslimiinta ku dukada Masaajidka Al-Aqsa.

Waddamada kale ee Islaamka wali ma jiro qof ka hadlay dilka Sheekh Cikrama oo ahaa Imaamkii Masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa oo ay Ciidamada Israel toogteen Talaadadii shalay hayeeshee xalay ku geeriyooday Isbitaalka Al Maqassid ee Bariga Quddus.