Ballanqaad Noocee Ah Ayuu Madaxwaynaha Hirshabeelle U Sameeyay Dhallinyarada Maamulkaas?

Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ballanqaad wayn u sameeyay dhallinyarada maamulkaas, waxaana uu sheegay in ay u sameyn doonaan shaqo abuur iyo meeleyn dhallinyarada wax baratay ee maamulkaas.

Madaxwaynaha oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka ugu wayn ee maamulkaas uu yahay u adeegidda shacabkooda, sidoo kalena dhallinyaradu wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin udub dhaxaadka iyo raasumaalka ummad kasta, aynna muhiim tahay in ahmiyad gooni ah la siiyo.

Dhalinyarada maamulka Hirshabeelle ayaan aad ula dhacsaneeyn siyaasadda Cosoble, warkan se wuxuu u eg yahay mid dhabbaha u xaareya isku soo dhawaansho iyo sasabasho lagu hayo dhallinyarada Hirshabeelle.