Xog Laga Helaayo Weerar Hoobiyayaal ah oo Baardheere Lagu qaaday

Al Shabaab ayaa saaka tiro Hoobiyayaal ah waxa ay ku garaaceen qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Madaafiicdaasi oo aan la ogeyn bartilmaameedkooda rasmiga ah ayaa dhaliyay khasaarooyin u badan dhaawacyo.

Waxaana ku dhaawacmay illaa 7 qof oo dhammaan ah Shacab sida ay ku soo warrameen ilo deegaanka ah.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa Saldhigyo Ciidan ku leh Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.