WAALID MISE WALAAL: Haddaba Maxay Isku Yihiin Fahad Yaasiin Iyo Taliyaha Booliska Generaal Saacid? (Xog Muhiim Ah)

Abtirsiimaha iyo wada dhalashada waa wax xallaal ah oo Diini muqaddas ah, balse in lagu faano ayaa mar walba ah wax xaaraan iyo laga roon yahay, Soomaaliya bulsho ahaan waa qawmiyad wada dhashay, sidoo kalena hal dageen wada daggan, hasa yeeshee wada dhalashada ayeey si qaldan u isticmaalaan mararka qaar Soomaalida.

Haddaba Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin waa mid kamid ah halbowlaha dawladda dhalatay 8-dii February sannadkan, sidoo kale waxa aan dhihi karnaa waa Faarax Sheekh Cabduqaadir-ka dawladdan cusub.

Beel ahaan wuxuu kasoo jeedaa “Reer Aw-Xasan” kuwaas oo markii hore kamid ahaa beesha Shiikhaal, balse ugu dambeyn uu Faarax Sheekh Cabduqaadir ka saaray, marka aan dhanka hooyada ka eegno wuxuu kasoo jeeda dhulka Puntland, qabiil ahaanna waa Leyl-Kase Daarood.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Soomaaliyeed C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) ayaa isna reer ahaan kasoo jeeda beesha Leyl-Kase, waxa ayna qaraabo dhaw yihiin Villa Somaaliya agaasimaheeda Fahad Yaasiin, kaas oo markii hore booskan ku qalqaaliyay Farmaajo in uu u dhiibo taliyahan adkeysiga yar.

Si kastaba ha ahaatee Saacid iyo Fahad Yaasiin waxaa walaaleeyay oo mideeyay beesha Leyl-Kase, oo Generaal Saacid wuxuu abti ugu aaddan yahay Fahad oo dawladda cusub door muhiim ah ka ciyaaraya.