Sarkaal Soomaali Ah Oo Toogasho Ku Dilay Haweenay Caddaan Ah!

Booliska dalka Mareykan ka ayaa aad u hadal haya dil uu geystay wiil Soomaali ah oo ka dhacay magaalada Minneapolis dalkaas.

Maxamed Nuur oo kamid ahaa ciidanka Booliska ayaa toogtay haweenay u dhalatay dalka Australia, lamana oga sababta ka dambeysa dhacdadaas, balse Booliska ayaa sheegay inay weli baaritaan ku hayaan falkaas.

Justine Damond oo 40-jir ayaa la toogtay iyadoo gurigeeda kusugan, sida ay warbaahinta Mareykan ka sheegayaan, waxaana falkaas geystay Maxamed Nuur oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya, islamarkaana ciidanka Booliska dalkaas ku biiray sannadkii 2015-kii.

Haweeneyda la toogtay ayaa dhawaan uun soo gashay dalka Mareykan ka, waxaana ay qorsheynaysay in ay halkaas muddo dheer iska dagnaato.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka haweeyneydaas, balse waxaan idin soo gudbin doonaa wax walba oo kusoo kordha xogaha ku saabsan wiilkaas Soomaaliga ah ee toogtay marwadaas caddaanka ah, haddii uu rabbi Idmo.