Madaxwayne Xaaf Muxuu Ka Sameynayaa Magaalada Nairobi? (Xog Muhiim Ah)

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf iyo hoggaamiyaha Ahlu Sunnah Wal Jameeca Macalin Maxamuud Xasan Faarax ayaa hadda kuwada sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu kaga socdo wada hadal.

Khilaafka u dhaxeeya Dhuus-Mareeb iyo Cadaado ayaa ahaa maalimihii lasoo dhaafay mid isku soo dhawaansho lagu dhammeynayay, beesha caalamka ayaase dullaal ka ah in labada dhinac miiska wada hadalka wax walba ay ku dhameystaan.

Dawladda Kenya iyo midawga Afrika, lagu daray urur goboleedka IGAD, shirkan waxa uu ka dhigayaa kii ugu waynaa ee wada qaataan madaxda ugu sareysa Galmudug iyo Ahlu Sunnah Waljameeca.

Tan iyo markii la doortay madaxwayne Xaaf, maamulka Cadaado  ayaa diiradda saarayay sidii loo hormarin lahaa wada shaqaynta ururka gadoodka ah ee Ahlu Sunnah, oo iskooda maamul kaga dhawaaqay magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.