Goorma Ayeey Diyaaradda Kenya Airways Kusoo Dagi Doonta Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho? (Xogta Daahsoon)

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Salaad Oomaar iyo dhiggiisa Kenya Mr James ayaa wada hadalo muddo qaatay yeeshay markii ugu horreysay tan iyo markii ay xalalkaas u kala qabteen xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho.

wada hadalka labada wasiir ayaa ku xeyn dhaabnaa sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal ee dhanka duulimaadka hawada, maadaama dhawaan la xaliyay arrintii quseysay in toos ay Soomaalida ka dagaan Nairobi oo aan la marsiin Wajeer.

Ugu dambeyn James ayaa xaqiijiyay in dhawaan ay Muqdisho soo caga dhigan doonto Shirkadda Kenya Airways muddo 27-sano ku siman kaddib, waxaana ay tani waddada u xaareysaa dib usoo noqoshada xiriirka labada dal ee dhanka safarka.

Diyaaradda Kenya Airways ayaan weli isticmaali garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho tani iyo burburkii Soomaalia, tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo in waddamo caan ah ay diyaaradahooda u oggolaadaan in ay si nabad ah ugu soo dagaan garoonka Aadan Cadde International Airport.