FIIRSO Sawirro: Jubba-land oo Gacanta Ku Dhigtay Rag Miino Aasayay

Ciidamada amaanka Maamulka Jubba-land ee Degmada Dhoobley  ooku taala xadka dalalk Soomaliya iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay seddex nin oo siday Miino nooca dhulka la dhigo ah ee Telefonada laga hago.

Saaakiil ka tirsan Ciidamada amaanka Jubba-land ayaa sheegay in raggaan bartilmaamedkooda ahaa  in ay miinadan ku aasaan  saldhiga ciidanka Booliska Maamulkaas ee ku yaala  Magaalada Dhoobleey.

Ragga Falkan fulin rabay ayaa ahaa seddex nin oo midba midka kale uu si dadban ula shaqeyn jiray, waxaana lagu kala magacaaba Maxamed Deeroow Cali Waa 22 jir kudhashay Magaalada Saakoow, oo ah Darawalka Miinada magaalada Soo gelliyay, Waxaana uu sheegay in nin ka la dhaho Cismaan Maxamed oo kamid ah Al-Shabaab uu qaraxa u soo dhiibay, waxaana Miinada loo dhiibay Ibraamih Saalax iyo Cabdi  Cabdullaaahi oo deegaan ku ah Dhoobleey Ganacsina ku haysto si ay u fuliyaan.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in raggaan Maxkadda lasoo taagi doono madaama ay doonayeen in ay Miino ku aasaan Saldhiga Ciidamada Booliska Maamulkaas ee Magaalada Dhoobley.