CAAWIN Mise MUCAAWINO: Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Rooma U Tegay Sidii Abaar Cusub Dalka Ay Kaga Dhici Lahayd (Nabar Aadan Fillayn + Warbixin Kaa Ilmeysiineysa)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa shir albaabada u xiran la yeeshey Agaasiimaha Guud ee hay’adda FAO Mr. Jose Graziano da Silva, waxaana looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda ay ku sugan yihiin beeraleyda Soomaalida.

Siciid Xuseen Ciid ayaa aad u ammaanay doorka hay’adda hormarinta beeraha iyo cuntada ee FAO ay ka qaadaneyso caawinta iyo bixinta mashaariicda lagu hormarinayo beeraha Soomaaliya.

Balse dadka indhaha saxda ah wax ku eega ayaa aaminsan in wasiirka uu dulaal u yahay hey’addan, aynna dooneyso in ay dhabar jabiso dhaqaallaha iyo hormarka beeraleyda Soomaaliyeed, maadaama hadda aysan u baahanayn kaalmo, lana soo dhaafay xilliga kaalmada, keliya hadda ay u baahan yihiin in sheedda laga daawado.

Dhawaan ayeey filanayaan in uu usoo baxo dalaggoodii ay ku beerteen roobka xagaaga ah ee hadda u da’aya, sidoo kalena waxa ay rejo wanaagsan ka qabaan Gu’ga ku xige ee Soomaaliya ay roobka hesho.

Si kastaba ha ahaatee wasiirka iyo FAO ayaa diyaar u ah in ay burburiyaan dalagga beeraleyda, waxaana sida hoose la filayaa in dhawaan uu Muqdisho soo gaaro markab sida Galeey Jaalloley iyo digirta Bee-beesheyda la yiraahdo, kaas oo mucaawino ahaan suuq lagu soo daadin doono, si loo curyaamiyo, loona niyad jabiyo ganacsatada beeraleyda ah.