Xeer- Ilaaliyaha Qaranka Oo Diyaar U Ah In Isbitaal La Dhigo Qaar Kamid Ah Xildhibaanada Qaranka, Haddaba Waa Maxay Sababta?

Axmed Cali Daahir Oo ah xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in ay waajib tahay in lagu noqdo lana tixgeliyo amarkii maxkamadda sare ee ahaa in lagu noqdo dibna loogu celiyo tartanka 8-kamid ah kuraasta xildhibaanada qaranka, taas oo calool xanuun iyo dhibaato nafeed ku noqon karta qaar kamid ah xildhibaanada la heysto, maadaama lacago badan ay kaga baxday kasoo muuqashada Kuraastaas.

“In la tixgaliyo go’aanka maxkamadda, waa arrin dhammaan noo wada wanaagsan, waxa aan diyaar u nahay in aan dhaqan gelino amarkaas, cid walba oo ay quseysana waxa aan ka dooneynaa in ay sharciga u hoggaansanto, si aan kaga fogaano caddaalad darro iyo wax isdaba marin,” ayuu u sheegay Axmed Cali Daahir oo ah xeer ilaaliyaha qaranka warbaahinta maxaliga ah.

Qaar kamid ah kuraasta qaranka gaar ahaan aqalka hoose ama golaha shacabka ayeey murano kala duwan ka taagan yihiin, maadaama ay sheegtay maxkamadda sare in musuq iyo isdaba marin ay kusoo gudbeen dadkii kusoo baxay kuraastaas.

Si kastaba ahaatee, hadalka xeer ilaaliyaha ayaa noqon kara mid laf luqun gashay u noqda qaar kamid ah xildhibaanada qaranka oo kuraastooda qalqiil la galiyo.