Qoraalladii Ugu Qosolka Badnaa Ee Lasoo Dhigo Baraha Bulshada Kaddib Soo Noqoshadii Internet-ka Koonfurta Soomaaliya

waxaa dib usoo noqday adeeggii Internet Mobile-ka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, balse dhallinyaro badan ayaa muujineysa maanta in ay aad u faraxsan yihiin, haddaba waxaan idin soo aruurinay qaar kamid ah qoraalladii cajiibka ahaa ee ay soo dhigeen dhallinyarada Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya ee Internet La’aanta ahaa 23-kii maalin ee lasoo dhaafay.

Waan ka xunahay ma wayddiisan in aan isticmaalno qoraalkooda annagoo u adeegsanayna Website, haddana mar walba waa wax na soo jiitay haddii aan nahay bahda Shaaciye.com.

Qaar kamid ah dhallinyarada ayaa isticmaalay qoraallo qosol kaa keenaya, sida “Takbiir Allahu Akbar, Xabsigii kasoo baxnay,” iyo qaar kale oo wada cajiib ah.

Dhammaan qoraalladan waxaan kasoo arruurinay baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twitter.

Xuquuqda Qoraalkan se waxa ay u dhawran tahay shabakadda Shaaciye.