Koonfurta Soomaaliya Oo Internet Dib U Heshay

Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo noqday adeeggii Internet, kaddib shaqo adag oo ay qabatay wasaaradda Postada iyo Isgaarsiinta.

Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo idil waxaa saddex-dii todobaad ee lasoo dhaafay ka jirtay xaallad Internet la’aan oo baahinsan, ugu dambeyn maanta dadka oo idil ayaa saaxiibadooda ugu hambalyeeynaya waxaana diiradda lawada saaray dib usoo noqoshada Internteka iyo saameyntiisa.

23-maalin ayuu Internetka ka maqnaa guud ahaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maanta se waxaa laga dareemayaa xaalad aad u wanaagsan iyo buux buux sida ay qabaan dhallinyarada qaar.