Goorma Ayuu Madaxwayne Farmaajo Aadi Doonaa Puntland? (Xog Dhammeystiran)

Madax waynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in uu ka qayb gali doono maalinta Puntland ama 1-da August.

Dhawaan waxaa la filayaa in magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland lagu qabto munaasabad lagu maamuusayo maalintii dhidibbada loo aasay maamulka Federaalka Puntland.

Waa markii ugu horreysay ee uu madaxwayne Farmaajo ku tago safar magaalada Garoowe tan iyo markii la doortay bishii 2-aad ee sannadkan.

Cadaado, Baydhabo iyo Kismaayo ayuu si wada jir ah lugta u mariyay madaxwaynaha, waxaana u harsan keliya Garoowe iyo Jowhar oo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Hirshabeelle.

Illo wareedyo ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay shir albaabbada u xiran uu la qaadan doono madaxda sare ee maamulka Puntland, gaar ahaan madaxwaynaha maamulkaas C/wali Maxamed Cali Gaas.