DF Soomaaliya Oo Xog Buuxda Ka Bixinaysa Khasaaraha Maaliyadeed Ee Internet La’aantu Ay Sababtay

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Eng Canshuur ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay guddi u saareyso in aysoo arruuriyaan khasaaarihiii dhaqaale ee uu geystay Internet la’aanta ka jirtay Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay in ay diyaar u tahay dawladda Soomaaliya dhiiro gelinta ganacsatadii ku dhaqaalo yareysay Maalmihii Internetka uu maqnaa,

Xawaaladaha iyo adeegyada kale ee ay ganacsata bixin jirtay ayaa ilaa xad uu hakad ku yimid, Internet la’aan awgeed, sidaa darteeda dawladda ayaa isku xilqaameysa sidii ay xog buuxda uga keeni lahayd khasaarihii maaliyadeed ee ka dhashay maqnaashaha adeeggii Viber Optica.

Isniintii ayeey dadka ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya dib u heleen adeeggii Internet, Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa si ay xushmad ku dheehan tahay uga raali geliyay dhammaan ciddii hawlaheeda ay ku dayacmatay maalmahaas.