Cadaalad darrada dowlada federaalka

Mashaariicda bank aduunka bixiyo waa deyn laga doonayo iney Soomaaliya dib u bixiso, lacagta aad aragteen ee dowlad goboleedyada loo qoondeeyay ayaa ah mid bangiga aduunka laga soo amaahan doono

Reer hirshabeele oo 700 kun kaliya looga qoondooyay maashaariicdaasi halka kuwa kale qaarkood in ka badan 4 million la siinayo ma jirto cid deegaanadaas kasoo jeedo oo ka hadashay cadaalad daradda dowlada federaalka ku sameeyneyso

Maamulka Hirshabeele oo ah maamulka ugu da’da yar oona laheyn wax ilo dhaqaalo ah horayna dowlada federaalka cagta uga saartay iney furtaan dekada Ceelmacaan iyo in Jowhar airport ganacsatada Muqdisho wax uga soo dagaan ayaa lagu gacan bidixeeyay mashaariixda deynta ah ee bangiga aduunka laga soo amaahanayo

Waa masiibo qaran in dowlada federaalka u cadaalad fali wayso maamulada dalka ka jiro iyadoo cunaqabatayn saartay maamulada qaar hadana qaybtii ay xaqa u lahaayeen laga siin waayay miisaaniyada dowlada

Dowlada madaxweyne farmaajo ayaa madaxda sadexda dowlad goboleed ee hirshabeele, Galmudug iyo K, Galbeed min 150k oo dollar ? u qortay bishii si ay uga aamusaan mashaariicda sadbursiga ku dhisan ee qaybo Soomaaliya ka mida laga fulinayo

w/qoray: mahmud buteeri

buteeri@facebook.com