Badda Xamar Wayne Oo Soo Tuftay Maydka Wiil Yar (Sheeko Murugo Leh)

Badda Geel Laqe ee degmada Xamar Wayne waxaa laga helay  maydka wiil yar oo ay soo tuftay badda, kaddib markii uu ku qar-qamay baddaas maalmo ka hor.

Lama oga xilliga uu badda ku dhacay, ama ku dhintay, hasa yeeshee waxaa la fahansan yahay in wiilka yar ay badda dishay xilli hore, maadaama badda ay aad u kacsan tahay beryahan.

“Qofkii uu ka maqan yahay wiilkaasi maydkiisa Booliska ayaa gacanta ku haayo Finijeer ayaan galinay, CID ha tagaan Waalidiinta caruurta ay ka maqan yihiin.” ayuu yiri Xasan Duulane Xersi Taliyaha Saldhigga Degmada Xamar weyne, xilli uu ka warbixinayay maydka wiilkaas yar.

Dhalliyarada iyo carruurta yar yar ayaa u dabaal taga xeebta degmada Xamar Wayne, gaar ahaan mid loo yaqaano Geel Laqe, halkaas oo ay ku yaallaan moolal (Bohol Badeed) ay kamid tahay Hoobaalka iyo Mool Mugdi meesha ay u yaqaanaan dhallinyarada.

Maamulka degmada Xamar Wayne ayaa Firinjeer (Qaboojiso) geliyay maydka, waxayna u gudbiyeen dhanka CID-da halkaas oo ay waaliddiinta ay ciyaalka ka maqan yihiin ay tagi karaan.