Waa Maxay Sababta Soomaaliland Looga Reebay Miisaaniyadda Qaranka? Wasiir Beyle Oo Jawaab Hufan Bixiyay

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa sharraxaad dheer ka bixiyay sababta Soomaaliland looga reebay miisaaniyadda dawladda haddii ay hoos tagto dawladda federaalka.

wasiir Bayle ayaa sheegay in Soomaaliland iyo Soomaaliya uu wada hadalo u socdo, meel wanaagsana uu marayo, sidaa darteeda marka uu wada hadalkaas guuleeysto lagu soo dari doono miisaaniyadda Dawladda, inta ka horreysana miisaaniyadda ay ku koobnaan doonto dhanka maamul goboleedyada sida rasmiga ah u hoos taga dawladda federaalka.

Beyle oo warbaahinta la hadlayay ayaa sidoo kale difaacay arragtida ah in Puntland looga saami badiyay maamulada kale, wuxuuna sheegay in Puntland ay ka hawl badan tahay maamulada kale aynna ka dad iyo tiro badan tahay, sida uu hadalka u dhigay.