Waa Kuma Shaqsiga Ugu Cad-Cad Doorashada Soomaaliland? (Warbixin Xasaasi Ah)

 Wax ka yar 100-maalmood ayaa ka harsan in shacabka maamulka Soomaaliland ay u dureerraan goobaha cod bixinta, maadaama xilligaas ay tahay wakhtiga rasmiga ah ee loo asteeyay doorashada madaxtinimo ee maamulkaas.

C/raxmaan C/lahi Cirro iyo Muuse Biixi Cabdi oo ka kala socda xisbiga talada haya ee kulmiye iyo Waddan ayaa ah shakhsiyaadka ugu cad cad doorashada Soomaaliland ee dhici doonta September sannadkan.

Cirro oo reer ahaan kasoo jeeda beesha dhexe islamarkaana lagu tilmaamo in uu yahay siyaasi aragti furan ayaa loo badinayaa In uu ku guuleeysan doono doorashada, haddii si caddaalad ah ay u dhacdo, maadaama taageerayaal badan uu ka heysto dadka deggan gobolada Soomaaliland.

Faysal Cali Waraabe oo isna lagu tilmaamo Donald Trump-ka Soomaaliland, hoggaamiyana xisbiga UCID ayaa rajo wanaagsan ka qaba in uu guul la taaban karo kasoo hoyo doorashada dhici doonta dhawaan.