Nin Haweenay Uur Leh Si Bareer Ah U Dilay Oo Gacanta Lagu Dhigay!

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa xaqiijiyay in ay gacanta kusoo dhigeen nin dil u geysteen haweenay uur leh, muddo kahor.

Xilli uu u waramayay warbaahinta, guddoomiye Cumar Farawayne, ayaa sheegay in uu ninkan dilay haweenaydaas, islamarkaaana si bareer ah u fuliyay, hasa yeeshee uu goobta ka baxsaday, ugu dambeyn se ciidanka ammaanka gobolka Nugaal ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglahaas aan caadiga ahayn.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa ka codsaday dadka shacabka ah ee ka garab istaagaan, ayna ka caawiyaan la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ee gobolkaas ka dagaalama, sida uu hadalka u dhigay.