Muxuu Maalin Walba C/casiis Xildhibaan Ka Sameeya Xarunta Gobolka Banaadir?! (Sir Iyo Kashifaad, Waxa Aadan Fillayn)

Cabdicasiis Xildhibaan oo kamid ah dadka ugu caansan beelaha muddolood ee dhanka siyaasadda ku jira, ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga bixin waayay xarunta gobolka Banaadir ee degmada Xamar Wayne.

Xildhibaan oo kamid ah saaxibbada dhaw ee Thaabith Cabdi Maxamed ayaa warar hoose oo ay helayso SHaaciye waxa uu sheegayaa in uu diyaar u yahay in uu xil ka qabto gobolka Banaadir, waxaase ay wararku intaas ku darayaan in Xildhibaan uu damac kaga jiro booska Af Hayeenimada gobolka Banaadir oo aan weli arrintiisa dhinac u dhicin.

Xalane oo ahaa af hayeenkii hore ee maamulkii gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday, waxa maalin ba maalinta ku xigta soo wajahaya xaalad adag oo ku aaddan booskiisa, iyo sidii uu u maareeysan lahaa.

Beelaha Muddolood ayaan la dhacsanayn dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee uu sameynayo Cabdicasiis Xildhibaan oo kamid ah dhallinyarada qalinleyda ah ee hadda siyaasadda usoo tallaabtay.