Muxuu Cabdi Qayb-diid Ku Heystaa Beesha Saleebaan? (Sheeko Xiiso Badan)

Cabdi Cawaale Qayb-diid, waa mid kamid ah odayaasha aqalka sare ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu kujiraa qab qablayaashii dagaal ee xilligii Burburka, waxaana lagu sheegaa in uu yahay caaddifi ah oo reernimada ay ku wayn tahay sida dadka qaar ay eedeeyaan.

Cabdi Qaybdiid ayaa dhawr jeer oo kamid ah labadii bil ee aynnu soo dhaafnay dhibbane u ahaa beesha Saleebaan ee ay Galmudug awd-wadaagta ku yihiin.

Senator ka ayaa ka dacwooday kornell Sadaq oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka nabad sugid Galmudug, haddana loo magacaabay taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir, kaddib markii uu xiray Mahad Dollar oo jufo ahaan ay is leeyihiin Cabdi Qaybdiid.

Sidoo kale dhawr jeer oo kala duwan ayuu Cabdi kaga dacdooday siyaasiyiinta iyo cuqaasha beesha Saleebaan dhallinyaro uu kusheegay in ay war xun kaga faafiyeen mid kamid ah jaaraa’idda kasoo baxa magaalada Muqdisho, islamarkaana milki ahaan ay leeyihiin Beesha Saleebaan.

C/raxmaan Odaywaa Iyo Abshir Bukhaari oo kamid ah siyaasiyiinta beeshaas, ayaa dhawr jeer ka raali geliyay, wax yaabaha ay sameynayaan dhalinyarada Beeshaas ee Cabdi Qayb-diid uu dhibsaday.

Lama oga tallaabada xigta ee uu Cabdi qaadi doono, maadaama uu dhawr jeer ka dacwooday dhallinyaro beesha Saleebaan ah, oo magaciisa iyo reerkiisa dhibaateeynaya, sida uu hadalka u dhigay.