Is Bar-Bar Dhig: Xasan Sheekh Maxamuud Walaalkiisa Iyo Farmaajo Walaalkiisa! (Sheeko Xiiso Badan)

“Haddii uu walaalkaa yahay madax wayne, waxa loo dhaqmaa sida madax wayne” waa xikmad aan ka baranay madaxda madaw Afrikaan ka ah ee qaaradda ku nool.

Cali Sheekh Maxamed Iyo Axmed Cabdullahi Farmaajo, waa labada walaal ee ka yar Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxwayne kasoo noqday Soomaaliya.

Sidaan lawada socono, Cali Sheekh Maxamuud markiisii hore wuxuu ahaa qof ganacsade Carwo ku leh bakaaraha iyo xamar wayne, ugu dambeyn markii uu walaalkiisa noqdo madaxwaynaha wuxuu go’aansaday in uu albaabada iskugu dhufto carawadaas, isagoo usoo cilaan saartay Villa Soomaaliya iyo naqda taallay xilligaas.

Si Lamid ah Axmed Maxamed Farmaajo, inkastoo uu yahay qof aqoon yahan waxbadan ku shaqeeyay xirfaddiisa, haddana muuqaal ahaan marka aad aragto waxa aad ku dhaaranaysaa in uu ka wayn yahay Farmaajo, balse Farmaajo ayaa hal gu’ iyo wax dheer Axmed.

Caadiyan wuxuu ku noolaa dalka Canada inta aan la dooran walaalkiis, balse hadda wuxuu soo dagay Muqdisho isagoo doonaya in uu mashaariic badan ka fulisto, maadaama walaalkiisa uu madaxwayne ka yahay waddanka.

Mashaariicda uu doonayo waxaa kamid ah sameynta saddex ilaa afar warbaahin oo danihiisa gaarka ah ka shaqeysa, sidoo kalena in uu sameeyo waxyaabo ka duwan wixii uu sameyn jiray Cali Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee waxaan sugi doonaa waxa uu sameeyo Axmed Farmaajo oo ah walaalka ka yar Maxamed Farmaajo, maadaama aan aragnay Cali Sheekh Maxamuud iyo wixii uu sameeyay.