Fanaanka Caanka Ah Ee Wizz Khaliifa Oo Rikoor Cusub Ka Sameeyay Barta You Tube (Warbixin Dhinacyo Badan Taabanaysa)

Wizz Khaliifa oo kamid ah fanaaniinta ugu caansan kuwa reer Mareykan ayaa ku garaacay PSY fanaanka la yiraahdo ee reer Kuuriya, heesta loogu daawashada badan yahay barta You Tube.

Heestii Barroor diiqda ahayd ee “See You Again” oo uu ku macsalaameynayay jilaa Paul Walker oo kamid ahaa jilaayaashii taxanaha Fast and Furious” ayaa gaartay daawadayaal kabadan 2,907,575,000, tan iyo maalinkii lasoo saaray barta You Tube ka.
heestii Gangnam Styl ee PSY oo la soo saaray You Tube-ka 15-July 2012-kii ayaa sameysay daawadayaal kabadan tiro intaas ka ag dhaw, balse Wizz Khaliifa lama rejaynayo in uu booskaas kusii waaro maadaama durba ay 2.5 Bilyan oo daawadayaal ay fiirsadeen heestii “Despacito” ee uu ku luuqeeyo fanaanka caanka ah ee Luis Fonsi, xilli ay xusid mudan tahay in wax ka yar shan bilood ay You Tube-ka saaran tahay.
Haddaba daawasho wacan heestii “See You Again” WIzz Khaliifa ku hoggaamisay in uu noqdo qofka muuqaalkiisa loogu daawashada badan yahay caalamka barta You Tube-ka.