DAAWO: Alshabaab Oo Fillim Waalli Ah Soo Bandhigtay Iyo Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Fillimkaas

Dhaq dhaqaaqa Al shabaab ayaa soo bandhigay Fillim kale oo ay ugu madax dareen “قناديل من نور” oo ay ugu talla galeen in ay kudhiiro geliyaan dhallinyarada yar yar in ay is qarxiyaan adduunkana macsalaameeyaan, iyadoo loo xirayo shaati diimeed.

Muuqaalkan oo ay Alqaacidda leedahay xuquuqdiisa, waxaa kasoo muuqanaya nin lagu magacaabo Abuu-Yaxyaa Al Libi, kaas oo sida muuqata kasoo jeeda dalka Liibiya ee Wuqooyiga qaaradda Afrika.
Sidoo kale muuqaalka waxaa kasoo muuqanaya wiil ay ku tilmaameen in uu soo barbaariyay ninka ugu sarreeya Alqaacidda ee Ayman Ad-Dawaahiri, oo isna lagu magacaabo Saalax Axmed Najaar oo aan la sheegin waddanka uu u dhashay.
Muuqaalkan waa mid kamid muuqaallada Silsiladda ah ee Ay Alqaaciddah iyo ururada ay jaanta kuwado ku marin habaabiyaan dhallinyarada da’da yar, waana xalqadii koobaad ee Fillimkan, sidoo kale waxa ay wadaan Fillimo kale oo uu kamid yahay mid ay Af Soomaali u baddaleen oo lagu magaacabo “Boorri Mu’miniinta” oo hadda isna xalqadii 5-aad maraya.
Warbaahinta afka Alshabaab ku hadasha ayaa aad u buunbuuniya fillimada noocaan oo kale, waana kuwa u baddala afkeena Hooyo ee Soomaaliga.
HAddaba hoos ka daawo Fillimkaas.