Alshabaab Oo Gaalnimo Ku Xukumay Wadaadka Soomaaliyeed Ee Sheekh Nuur Baaruud Burxan

Dhaq dhaqaaqa Alshabaab ayaa ku xukumay Riddo iyo gaalnimo diin ka bax ah, wadaadka Soomaaliyeed ee Sheekh Nuur Baaruud Burxan, kaas oo kamid ah wadaaddada taageersan dawladda federaalka Soomaaliya.

Sheekh Jaamac Adam iyo Sheekh Mukhtaar Abuu Muslim, oo kamid ah Alshabaab ayaa ku tilmaamay in uu Sheekha ka baxay diinta Islaamka, kaddib markii loo magacaabay kuxigeenka guddiga taakuleynta qaranka.

Alshabaab ayaa aad uga soo horjeeda wadaaddada dawladda taabacsan, iyagoona ku tilmaamay in ay yihiin gaallo cad oo ilaahay ka furtay.