Muqdisho Iyo Maxaa Iska Galay Ankara! Safaaradda Turkiga Ee Muqdisho Oo Hawl Aan Soomaaliya Quseyn Ka Fullineysa Caasimadda

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambasador Olgen Beiger ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in munaasab lagu maamuusayo sannad guurradii kasoo wareegatay markii la fashiliyay afgembi aan dhiig ku daadan oo lala damacsanaan xukuumadda Ankara.

Maanta caalamka oo idil ayaa laga xusayaa markii ay shacabka Turkiga diideen in dalkooda oo ka dhaco Af Gembi iyo qalalaaso hor leh, aynna ka biya diideen Fathullah Gulen iyo xertiisa in ay dalka la wareegaan.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in lagu qabto munaasabad lagu taageerayo sannad guuradii kasoo wareegatay af gembigii diimeed ee dalka ka dhacay sannadkii ina soo dhaafay ee 2016.

Maanta oo kale dunida ayaa kusoo waabarisatay iyadoo qaar kamid ah ciidanka Militeriga dalkaas ay gadood sameeyeen iskuna dayeen in ay la wareegaan xukunka dalkaas, ugu dambeyn shacabka iyo ciidanka muxaafadka ah ee dawladda taabacsanaa ayaa ka hor yimid, waxaana ugu dambeyn lagu guuleeystay in lasoo gaba gabeeyo hawl galkaas saacadaha qaatay.