Maxaan Ugu Baahanahay In Yuusuf Garaad Laga Qaado Xilka Wasiirnimo?

Warar hoose oo ka imaanaya madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in Yuusuf Garaad Cumar iyo wasiirro kale ay ugu horeeyaan dadka ay qaadi doonto dabeesha isku shaandheynta ee Ra’iisul wasaarre Kheyre la filayo in uu dhawaan sameeyo.

Waxa ugu wayn ee aan ka filayno Yuusuf Garaad waa qoridda maqaallo iyo warbixino sir ah oo uu kashifayo, maadaama isaga uu yahay qoraa, haddana weriye wakhti badan saaxada warbaahinta kujiray.

Ugu yaraan todobaad kasta iyo faallo ciwaankeeda hore ah “Ani Iyo Hebel”  taas oo uu caan ku yahay wariyahan wasiirka isku baddalay.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ah qofka ugu cad ee lasiin doono kursiga beeshiisa, ee uu hadda isaga ku fadhiyo, waxa aan sugnaaba waa Yuusuf oo la leeyahay ‘Wasiirkii Hore Ee Arrimaha dibadda” markaas ayeey jiri doontaa waxbadan oo sir kashifaad ah iyo faallooyin badan oo uu kaga hadlayo shaqadiisa wasiirnimo.