XAFIIS TABBAR-YAR OO KA FIICNAADEY VILLA SOOMAALIYA.

Jiq {ciriiri} ayay isku noqotey noloshii Magalooyinka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, dhagoole ayay inta badan noqdeen shacbiga uu Internet-ku ka g’ay, wada sheekaysigii, kala war qaadashadii iyo isla xiriirkii bulshada ku kala nool gudaha iyo dibadda ayaa soo ururay, caajis iyo culeys ayaa soo wajahay dad badan oo qabtimay adeegsiga Internet-ka.

Si aan la maleysan Karin ayaa maqnaanshaha qadka looga dareemay deegaanada uu ka go’an yahay, hawlo badan oo qadka looga faa’iidaysan jirey ayaa xilligaan is dul saaran, goormuu qadka imaanayaa iyo calaacal ayaa lagu waashay, mar uun Illaah qadka ha keeno ayay taagan tahay, goobo faro ku tiris ah ayaa haatan laga helaa qad aan xawaare badneyn.

Sheeko la yaab leh ayaa laga dhaxlay maqnaanshaha Internet-ka, xafiis aad u tabbar yar oo saf dheer loogu jiro si looga helo adeeg Internet ayaa si weyn ii soo jiitey, rag iyo hablo isugu jira madax, ganacsato, aqoonyahano, wariyayaal, dhalinyaro iyo dad caan ah ayay ishaydu qabatey oo xafiiskaasi ka sugaya sidii ay qad uga heli lahaayeen.

Ruug cadaaga Amiin Yuusuf Qasaaro oo ka hawlgala xafiiskaasi ayaa ii sheegay in xafiiskoodu uu marti galiyay dad uu tilmaamay inay ka faani jireen halkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay kooxaha ku soo jabey inay u sameeyeen jadwal ay qadka ugu qeybiyeen, isagoo intaasi raaciyay inuu ku faraxsan yahay bulshadii shalay dhaleeceyn jirtey inay maanta marti u yihiin.

“Qadka aan haysano waa Global Line oo ADSL ah, horey isticmaalka qadkaan dadku weyn nagu cambaareyn jireen, waa illaah mahadiis haddii maanta loo soo baahday qadkii la nacayay” ayuu yiri Amiin Qasaaro, “Fariin ayaan la wadaagay wariyaasha Madaxtooyada hase yeeshee waxay ii sheegeen inaaney furan Karin fariintii aan u direy qad la’aanta haysata darteed” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxgarad badan ayaa soo dhaweeyay sida uu xafiiskaasi yar uga haqab tiray qeybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed qad la’aanta jirta, amaan, bogaadin iyo hambalyo ayaa loo jeediyay halgamayaasha ka hawl gala xafiiskaasi, tariiqda ayaa xusi doonta xafiiskaasi tabbarta yare ee ka fiicnaadey Villa Somalia,